Xarunta Xuquuqal Insaanka (MRZ)

MenschenRechtsZentrum (MRZ) wuxuu ku dhashay baahi darteed. Waxay ahayd, welina tahay, in hay’adaha kala duwan ee ku hawlan xuquuqul insaanka ee Karlsruhe la siiyo meel ay ka shaqayn karaan. Isla markaana la xoojiyo wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’adahaas, loona ololeeyo xuquuqul insaanka.

Xarunta Xuquuqal Insaanka ee Karlsruhe (MRZ) waxaa la asaasay 1996 iyadoo ay iska kaashadeen hay’adaha xuquuqul insaanka ee kala duwan iyo kuwa gargaarka qaxootiga, waxaana si mutadawacnimo ah u maamula muwaadiniin go’an. Fikradda waxay ahayd in la siiyo saqaf guud oo loogu talagalay ururada xuquuqul insaanka ee Karlsruhe. Wakiilada ururada ka qaybgalaya waxay aasaaseen urur aan faa’iido doon ahayn, “Menschenrechtszentrum Karlsruhe e. V”, kaas oo mas’uul ka ah hawlgalka iyo abaabulka xarunta, laakiin sidoo kale qabanqaabiya xafladaha, siminaarada iyo shaqada xiriirka dadweynaha.