Taageerada waxbarasho ee ardayda dugsiyada ee ka socda qoysaska Sinti iyo Roma
Taageeradu waxay ka dhacdaa qiyaastii 2 jeer usbuucii dugsiyada ama guriga qoyska dhexdiisa. Taageerada shaqsi iyo koox yar ayaa la bixiyaa laga bilaabo fasalka 1–10 iyada oo diiradda la saarayo akhris-qoraalka, taageerada luqadda, taageerada shaqada-guri iyo casharrada taageerada ee maadooyinka muhiimka ah ee xisaabta, Jarmalka iyo Ingiriisiga.
Barnaamijku waa lacag la’aan wuxuuna u furan yahay dhammaan ardayda ka soo jeeda qoysaska Sinti iyo Roma laga bilaabo diiwaangelinta dugsiga ilaa qalinjabinta.
Kooxda la beegsanayo
— Ardeyda ka soo jeeda qoysaska Sinti iyo Roma ee Jarmalka kuwaas oo u baahan taageero si ay u gaaraan yoolalka fasalka.
— Ardayda ka soo jeeda qoysaska Sinti iyo Roma ee asal ahaan ka soo jeeda socdaalka kuwaas oo u baahan in laga taageero ka mid noqoshada nidaamka dugsiyada Jarmalka.
Hadafka wax bixinta
— Joogteynta dugsiga
— Gaadhida shahaadooyinka dugsiga sare ee wanaagsan
— Horumarinta rajada dabagalka
Bixintani waa bilaash
Scheffelstr. 11–17 a, 76135 Karlsruhe