Debüt eV — transkulturelle Bildung, Beratung und Begegnung

Ururka aan macaash doonka ahayn Debüt eV — transkulturelle Bildung, Beratung und Begegnung waxa la aasaasay xagaagii 2022 waxana ka go’an kor u qaadida iyo taageerada qaxootiga iyo soogalootiga. Iyadoo loo marayo mashaariicda dhinacyada waxbarashada, la-talinta iyo la kulanka, waxaan kor u qaadeynaa isdhexgalka bulshada iyo luqadda iyo ka qaybgalka dadkan. Shaqaalaheenna iyo xubnaha ururku waxay leeyihiin waayo-aragnimo sannado badan iyo khibrad mashaariic kala duwan, gaar ahaan mashruuca Koorsooyinka Hanuuninta Bilowga ah (EOK) ee ay maalgeliso Xafiiska Federaalka ee Socdaalka iyo Qaxootiga (BAMF). Waxaan rabnaa inaan taageerno qaxoontiga iyo soogalootiga gaar ahaan kuwa aan boos ka helin deeqaha waxbarasho ee caadiga ah, tusaale ahaan waa kuwo aan waxna akhriyin ama waalidiin.