Jarmalka waxaad u baahan tahay xisaab bangi — gaar ahaan xisaab giro. Waxaad kirada ka wareejin kartaa akoonkan ama waxa lagu soo diri karaa mushaharkaaga bishii ama faa’iidooyinka kale ee xisaabtan. Waxaad ka furan kartaa bangiga ama bangiga kaydka ee aad doorato. Aan kugula talinno: bangiyada qaarkood waxay qaadaan khidmad xisaabeed (Kontoführungsgebühr) oo bil kasta laga jarayo. Weydii inta ay le’eg tahay kharashka bilaha ee kaa Jaranayo Bankigu bishii ee loo yaqaan dayactirka akoontiga ama koontada.
Maxaad sii qaanaysaa?
Si aad u furto akoontiga ama konto bangiga, waxaad u baahan tahay kaarka aqoonsiga, baasaboorka ama ogolaanshahaaga joogitaanka wadankaan.
- Talo: Fadlan ogow in laga yaabo in lagugu dalaco lacag hadii ad lacag kala baxdo bangi aan kaga ahayn ama kale . Waxaa fiican in aad ogaato bangiyada kale ee kuu ogolaanaya inaad lacag la baxdo iyada oo aan wax lacag ah laga jaranaynin ama lacag la’aan ah.
- Haddii aad u guurto guri, fadlan u sheeg bangiga ciwaanka cusub.